Falastiiniyiinta oo u baroordiiqaya dadkii xadka lagu dilay

Xigashada Sawirka, EPA
Rabshado ayaa ka dhacay meel u dhow Ramallah
Falstiiniyiinta ayaa dhigaya hal maalin oo baroordiiq qaran ah oo lagu xusayo 16-kii qof ee Jimcihii lagu dilay isku dhacyo ciidamada Israa`iil kula dhex maray xadka Gaza.
Boqollaal kale ayaa la dhaawacay iyadoo Falastiiniyiintu ay bilaabeen dibadbaxyo, ay ku dalbanayaan in la soo celiyo qoysaskii hore ee laga qaxiyay guryahooda oo hadda ku yaalla dhul ay Israa`iil maamusho.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyo dilkaasi.

Saraakiisha Israa`iil ayaa sheegay in ciidamady ay xabbado fureen kaddib markii dhagaxaan roobka looga dhigay.
Jimcihii ayaa ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd dagaalka u dhaxeeya Israa`iiyo iyo Falastiin tan iyo intii dagaalka Gaza uu bilowday sanadkii 2014.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa cambaareeyay rabshadahaasi.