Britain oo u oggolaatay Ruushka booqashada Yulia Skripal

Skripal

Xigashada Sawirka, EPA

Dowladda Britain ayaa tixgelisay codsi uag yimid safaaradda Ruushka oo ku aaddan booqashada Yulia Skripal oo isbitaal ku jirta.

UK ayaa aaminsan in Ruushku uu mas`uul ka yahay sumeynta Yulia iyo aabbaheed, oo basaas hore ahaa, Sergei Skripal, oo suntan neerfaha waxyeeleysa lagu sumeeyay magaalada Salisbury 4-tii March.

Safaaradda Ruushka ee London ayaa sheegeysa inay ku adkeysaneyso xaqa ay u leedahay inay aragto Skripal, oo u dhalatay Ruushka.

Britain ayaa sheegtay in sidoo kale la ilaalin doono rabitaanka iyo xuquuqda Yulia oo hadda soo miyirsatay.

Xafiiska arrimaha dibadda ayaa sheegay in la tixgelin doono codsiga Ruushka iyadoo la marayo sharciga caalamiga ah iyo kan gudaha.

BBC ayaa ogaatay in Yulia oo 33 jir ah ay haatan miyir qabto oo ay hadli karto, isla markaana aysan xaalad khatar ah ku jirin. Aabbaheed oo 66 jir ah, ayaa weli xanuunsan.