Hindiya: Nin loo dilay lahaanshaha faras

Dalit
Image caption Qaybo ka mid ah Hindiya, lahaanshaha faras waxay calaamad u tahay hanti iyo awood

Nin dhalinyaro beeralley ahaa oo ka soo jeeda qowmiyadda aadka loogu takooro Hindiya ee Dalit, ayaa u dhintay garaacid loo geystay isagoo loo haystay kaxaynta iyo lahaanshaha faras.

Booliiska gobolka Gujarat ayaa sheegay in saddex nin oo bulshada sare ka soo jeedda la xiray si su`aalo loo weydiiyo.

Aabbaha dhibbanahan ayaa sheegay in wiilkiisa ay soo gaartay digniin ah inuusan kaxayn faraska, taas oo loo arko inay keliya sameyn karaan dadka beelaha sare kasoo jeeda.

Lahaanshaha faras ayaa qaybo ka mid ah Hindiya looga arkaa inay calaamad u tahay awood iyo hanti.

Sarkaal sare oo booliis ah ayaa sheegay inaan la heyn sabab kale oo dilka wiilkaasi ka dambeysa.

Pradeep Rathod, oo 21 jir ahaa, ayaa isagoo meyd ah Khamiistii laga helay barkad oo uu dhiig ka buuxo meel u dhow xaafadda Timbi ee gobolka Gujarat.

Cabasho uu booliiska u gudbiyay, ayuu aabbaha wiilka ku sheegay in wiilkiisu uu jeclaa fardaha sidaas darteedna uu mid u soo iibiyay.

Hindiya ayaa waxaa hore uga dhacay weerarro iyo takoor ka dhan ah qowmiyadda Dalit.

Takoorka ka dhanka ah qowmiyad ayaa mamnuuc ka ah Hindiya, balse weli waxay si baahsan uga jirtaa dalkaasi.