Dhaawacyada rayidka oo lagu heshiiyay in laga daadgureeyo Ghouta

Ciidammada Suuriya oo la wareegay gacan ku heynta inta badan Ghouta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Suuriya oo la wareegay gacan ku heynta inta badan Ghouta

Qaar ka mid ah dagaalyanadii ku sugnaa magaalada keliya ee ay gacanta ku hayeen fallaagada Suuriya ee Bariga Ghouta, oo ku dhaw caasimmada Dimishiq ayaa lasoo sheegayaa inay halkaasi isaga baxayaan.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa baahiayy in dagaalyahanada kooxda Failaq al-Rahman ay ka baxayeen magaalada Douma.

Magaaladan ayaa waxaa gacanta ku hayay koox kale oo ka mid ah fallaagada oo lagu magacaabo Ciidammada Islaamka.

Waxa ay qeyb ka ahaayeen kooxdan wadahadallo muddo dheer soconayay oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro khilaafka kala dhaxeeyo dowladda, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay wadda gaareen heshiis.

Balse ma jiraan warar xaqiijinaya in fallaagadu ay qeyb ka yihiin heshiiskaan iyo in kale.

Douma ayaa dhacda magaalada ay sida weyn ugu xooggan yihiin mucaaradka ee dhanka Bariga Ghouta, halkaasi oo inta badan asbuucyadii lasoo dhaafay dowladda Suuriya ay dib uga qabsatay mucaaradka.

Bariga Ghouta ayaa tan iyo 2013-kii waxaa go'doomin ku hayay ciidammada dowladda Suuriya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa xaaladda halkaasi ka taagan ku tilmaamay inay tahay mid aad u xun.