Maxay tahay caqabadaha heysta qareenada Puntland?
Maxay tahay caqabadaha heysta qareenada Puntland?
Dhageyste bal ka waran qof muddo sanada ah jaamacadda ku qaatay si uu u barto cilmi iyo xirfad dunida si weyn looga qadariyo, balse dadkii aad ugu adeegi laheyd aanay fahansaneyn ahmiyadeeda?
Waxa ay arrintan oo kale haysataa qareenada ku sugan deegaanada Puntland, oo sida ay sheegayaan ay aad u yar tahay macaamiisha ay u adeegaan.
Haatan, ururka ay ku midaysan yihiin qaraannadaasi ayaa waxa uu ku doodayaa in la gaaray waqtigii dadka caadiga ah lagu baraarujin lahaa muhiimadda ay leedahay in qofku uu helo qareen u dooda xilliyada dhageysiga dacwadaha maxkamaddaha.
Saciid Cabdullaahi Cabdi waa Gudoomiyaha Qareemada Puntland waxa uu u warramay weriye Axmad Cawil oo Garowe jooga.