Carlos Alvarado oo lagu wado inuu noqdo madaxweynaha Costa Rica

Costa Rica Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Carlos Alvarado oo dhoolla-caddeynaya kaddib markii uu codkiisa ka dhiibtay doorashada madaxtinnimo

Carlos Alvarado, oo ah musharraxa madaxtinnimada bidix-dhexe ee Costa Rica, ayaa lagu wadaa inuu noqdo hoggaamiyaha xiga ee dalkaasi kaddib doorashadii shalay dhacday.

Guddiga doorashada Costa Rica ayaa ku dhawaaqay natiijada 91% goobihii codbixinta.

Alvarado ayaa ku guuleystay 60% codadka marka loo barbardhigo ninkii la tartamayay oo helay 39%.

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Asal-raaca Fabricio Alvarado ayaa ku guul-darreystay inuu qanciyo codbixiyeyaasha Costa Rica

Musharraxa la tartamayay ee Fabricio Alvarado ayaa oggolaaday in laga guuleystay.

Waa kuwama labada Alvarado?

Carlos Alvarado, oo 38 jir ah, waa wasiirkii hore ee shaqaalaha, weriye hore iyo qoraa mararka qaarna waa heesaa. Halkudhigga ololihiisu wuxuu ahaa Elijo el futuro (Waxaan dooranayaa mustaqbalka).

Fabricio Alvarado, oo 43 jir ah, waa baadari, mar buu weriye telefishin ahaa wuxuuna ku heesaa heesaha Kirishtaanka. Wuxuu u taagnaa Xisbiga Soo celinta Asalraaca Qaranka ee (PRN) wuxuuna wacad ku maray difaacidda dhaqanka.

Wareeggii koowaad, Fabricio Alvarado wuxuu helay codadka ugu badan, balse wuxuu waayay codadka loo baahnaa si uu u guuleysto, taas ayaana keentay inuu wareegga labaad wajaho Carlos Alvarado.