Ruushku miyuu hubaynayaa Taliban?

Madaxa ciidamada Afqanistan ee Mareykanka Gen Nicholson
Qoraalka sawirka,

Madaxa ciidamada Afqanistan ee Mareykanka Gen Nicholson

Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu isku dayayo in uu xasillooni daro ka abuuro Afqanistaan isaga oo taageeraya kooxda Taliban.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegayay muddo bilooyiin ah in xukuumadda Moscow ay hub siiso kooxda Taliban.

Ruushka iyo Taliban oo taariikh ahaan ay xurguf ka dhaxayso ayaa beeniyay eedeeyntan.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli dadka arrimahani u kuur gala ay u muuqato "dagaal qabow oo cusub ".

Hadaba maxaa ka run ah eedeeynta Mareykanka?

Maxay ku saleysan tahay eedeeynta Mareykanka?

Waraysi ay BBC la yeelatay dabayaaqadii bishii March, ayaa abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan Gen John Nicholson waxa uu Ruushka ku eedeeyay in Ruushka ay hubeeyaan Taliban.

Waxa uu farta ku fiiqay in Ruushka hubka ay siiyaan Taliban ay u sii mariyaan dhanka xuduuda dalka Tajikistan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Ruushka in ay buunbuuninayaan tirada dagalyahanada (IS) ee ku sugan Afqanistan "si ay u sharciyeeyaan tillaabooyiinka Taliban ayna taageero u siiyaan".

"Waxa aan haynaa hub la keenay xaruntan taasi oo ay noo soo gacan galiyeen hogaamiyayaasha Afqanistan, waxa ayna noo sheegeen in Ruushka uu siiyay Taliban," ayuu yiri Gen John Nicholson.

Qaar ka mid ah saraakiisha booliiska iyo militariga Afqanistan ayaa BBC u sheegay in hubkaasi uu ka mid yahay qalabka habeenkii wax lagu arko , hubka riddada dhexe iyo riddada fog iyo waliba hubka fudud.

Yaa ku raacsan?

Saraakiisha Mareykanka ayaa xukuumadda Moscow muddo sanad ah ku eedeeynayay in ay taageeraan kooxda Taliban.

Bishii December 2016 Gen Nicholson waxa uu Ruushka iyo Iiran ku eedeeyeen "in ay sharciyaynayan kooxda".

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

General John Nicholson waxa uu Iiraan iyo Ruushka ku eedeeyay "in ay sharciyaynayaan Talaiban "

Tan iyo xilligaasi saraakiil sarsare oo Mareykan ah gaar ahaan kuwa militariga ayaa eedeeymo kuwan la mid ah soo jeediyay,waxa ayna eedeeymahan qaarkood ay sheegayeen in ay Taliban hubeeyaan.

Balse qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka iyo NATO aya arrintan taxadar ka muujiyay.

Bishii May 2017 agaasimaha sirdoonka gaaashaandhiga Mareykanka Janaraal Vincent R Stewart ayaa u sheegay guddi ka tirsan Sanetka "ma arkin cadeymo la taaban karo oo muujinaya hub iyo lacago la diray."

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka James Mattis ayaa bishii October 2017 u sheegay guddiga adeega hubka ee aqalka Sanetka in uu doonayo in uu arko caddeymo dheeraad ah oo muujinaya heerka ay garsiisan tahay taageerada Ruushka ee Taliban, waxa uuna intaa ku daray "in waxa uu arkay aysan micno sameeynayn".

Xoghayaha guud ee ee Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay bishii July 2017, "ma hayno caddeyn iyo warar xaqiiqo ah oo ku saabsan taageerada noocaasi ah".

Dowladda Tajikistan ayaa dhankeeda beenisay in hubka Ruushka uu Taliban u sii maro dalkeeda, eedeeynta Gen Nicholson ayay ku tilmaameen "mid aan sal iyo raad lahayn".

Muxuu yahay fikirka arrintan ee saraakiisha Afqanistan?

Xukuumadda Afqanistan ayaa sidoo kale waxaa ka soo baxay warar is burinaya.

Tira yar oo ka mid ah madaxda maamulada gobolada Afqanistan ayaa Ruushka si cad ugu eedeeyay in ay taageero militari siiyaan Taliban.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Madaxwaynaha Afqanistan Ashraf Ghani waxa uu Ruushka ku eedeeyay in ay Taliban hubaynayaan

Balse afhayeen u hadlay dowladda Afqanistan ayaa bishii May 2017 sheegay in aysan jirin caddeymo arrintan loo hayo.

Bishii October ee sanaddii aanu soo dhaafnay madaxwayne Ashraf Ghani ayaa cambareeyay in kooxda Taliban ay aqbalaan hubka Ruushka.

Hasa yeeshee,wasiirkiisa gaashaandhiga ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin "kuwa been abuur ah oo aan caddeymo loo hayn".

Ruushka iyo Taliban maxay ka yiraahdeen?

Moscow iyo Taliban ayaa waxa ay labadaba beeniyeen eedeeynta Mareykanka.

Waxa si kala gooni gooni ah u beeniyeen hadalka Gen Nicholson uu u sheegay BBC, waxay ayna sheegeen in arrintan aan caddeyn loo hayn.

Safaarada Ruushka ee Kabul iyo wasaarada arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa labadaba beeniyay.

Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa yiri "ma jiro dal aan ka helno taageero militari ".

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Markii ay ciidamadii Soofiyeetka ka baxayeen Afqanistaan February 1989

Ruushka iyo Talibaan ma leeyihiin xiriir?

Ruushka ayaa beeniyay in tageero militari ay siiyaan kooxda Taliban balse waxa ay qirteen "xiriir" ay la leeyihiin Taliban.

Sida laga soo xigtay ila wareedyo Taliban ah xiriirka u dhaxeeya Ruushka iyo Taliban ayaa la abuuray toban sano ka hor ka dib markii kooxda Taliban ay Mareykanka ka tureen awoodda 2001.

Balse xiriirka u dhaxeeya Ruushka iyo Taliban ayaa aad sare ugu kacay saddexdii sano ee ugu dambeeyay gaar ahaan intii laga asaasay Afqanistaan 2015 waxa loogu yeeray "IS Khorasan".

Ila wareedyo laga helay Taliban ayaa xaqiijiyay in wakiilo ka socda Taliban ay kula kulmeen gudaha Ruushka iyo dibadaba saraakiil ka tirsan Ruushka.

Iyada oo xiriirkan laga faa'idaysanayo ayaa Taliban waxay filayeen in ay Ruushka ka helaan hub culus si dagaalka ay ugu guulaystaan, waxa ay sidoo kale rajaynayeen in ay helaan hubka lidka diyaaradaha iyo gantaalo si ay Mareykanka ula dagaalaan.

Cadownimidii ay masaalixdu ka waynaatay

In mowqifkii Ruushka ee Taliban uu soo dabco waa mid la yaab leh oo aan la filayn.

Xubnihii asaasay Taliban waxa ay qayb ka ahaayeen Mujaahidiintii la dagaalamayay Midowgii Soofiyeet sanaddii 1980.

Markii ay Soofiyeetka ka baxeen Afqanistan ayaa Ruushka waxa ay taageero dhaqaale iyo mid militari siin jireen kooxihii ka soo horjeeday Taliban.

Balse markii ay Mareykanka soo galeen Afqanistan ka dib weerarkii 9/11 ka dhacay Mareykanka , waxa ay Taliban arkeen fursad ay Ruushka kula shaqayn karaan.

Ruushka uma arko Taliban mid halis ku ah ammaanka , taa badalkeedana waxa ay Mosco u aragtaa xaqiiqo ak jirta Afqanistan oo ana la dafiri karin.