Madaxwaynaha Zimbabwe oo booqashadiisii ugu horreysay ku jooga Shiinaha

Emmerson Mnangagwa Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Emmerson Mnangagwa

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ,ayaa safar qaadan doona afar maalmood ku jooga Shiinaha.

Waa markii ugu horeeysay oo uu safar dibadda ah u baxo tan iyo markiii loo doortay madexweynanimada afar bilood ka hor.

Dadka arrimahaasi ka faalooda ayaa sheegaya in dalka Zimbabwe ay soo dhaweeynayaan oo ay doonayaan in ays oo jiitaan maalgashiga shirkadaha shisheeye.

Tobankii sano ee ugu dambeeyay ayaa waxa Zimbabwe ay ak baaqsatay in xirir ay la yeelato beesha caalamka, waxaana dalkaasi ka talinayay muddadaasi Robert Mugabe.

Shiinaha ayaa Zimbabwe xilligaasi ka caawin jiray dhinaca dhaqaalaha wuxuuna daacad u ahaa madexweynihii hore Robert Mugabe .

Emmerson Mnangagwa Wuxuu ahaa hogaamiyaha jabhad u dagaalamysay madaxbanaanida dalkaasi sanaddii 1960kii .

Mr Mnangagwa wuxa uu tabarbar dhanka militeriga ku soo qaatay dalka Shiinaha .

Mowduucyada la xiriira