Mid ka mid ah kooxaha ka dagaalama bariga Ghouta oo halkaasi isaga baxay

Bariga Ghouta waxaa ka barakacay dad badan oo rayid ah Lahaanshaha sawirka Image copyrightAFP/GETTY IMAGES
Image caption Bariga Ghouta waxaa ka barakacay dad badan oo rayid ah

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa sheegay in qaybtii ugu horreysay ee dagaalyahanada kooxda Jaish al Islam oo gacanta ku haysay qayb ka mid ah bariga Ghouta ay halkasi isaga baxeen.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya goob bar-koontarool ah oo ku taalla duleedka Ghouta halkaasi oo ay laba Bas soo gaareen islamarkana ka sii baxayaan.

Ma cadda ilaa iyo imika cidda saarnayd gawaaridaasi.

Jaish al Islam ayaa waxa ay maamuliyeen magaalada Douma, oo ku taalla bariga Ghouta.

Kooxdani ayaa goobtaasi gacanta ku haysay ka dib markii laba koxood oo kale ay halkasi isaga baxeen.

  1. Tirada dadka ka qaxaya bariga Ghouta oo koradhay
  2. QM: Duqeyntii Suuriya waxay ahayd masiibo
  3. Xukuumadda Suuriya oo lagu eedeeyey geerida dad rayid ah

Ilaa iyo imika ma aysan xaqiijin kooxda Jaish al Islam in lagu heshiiyay in kooxda ay halkaasi ka baxdo.

Dowladda Ruushka oo garwadeen ka ahayd arrintan ayaa waxay dhankooda sheegeen in heshiiskani la gaaray Axaddii.

Horey waxaa heshiis la gaaray bariga Ghouta uga baxay laba ka mid ahaa kooxihii halkaasi ka dagaalamayay.

Mowduucyada la xiriira