Duqayn ka dhacday dalka Yaman oo ay dad ku dhinteen

Sawir hore Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir hore

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 qof ay ku dhunteen duqayn halkaasi ka dhacay.

Duqaymaha oo ay gaysteen xulufada Sacuudiga ayaa waxaa dadka dhintay ku jira caruur.

Ila wareedyo dhanka caafimaadka ayaa sheegaya in duqaynta ay haleeshay guri ku yaalla magaala xeebeedka Hodeidah.

Dhammaan dadka ku dhintay duqayntani ayaa ka soo jeeday hal qoys.

Hodeidah ayaa waxa ku taalla Dekad wayn waana goobta laga dajiyo gargaarka dalka Yemen la gaarsiiyo.

Dekaddani waxaa wali gacanta ku haya oo maamula kooxda mucaaradka ee Xuutiyiinta.

  1. Tahriibayaal ay ka mid yihiin Soomaali oo xeebaha Yamen loogu daadiyay
  2. Sacuudiga oo soo dhaweeyay wadahadalo lala galo Cali Cabadale Salax
  3. Qof noocee ah ayuu ahaa Cali Cabdalla Saalax?

Xulufada Sacuudiga ayaa Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta oo haysata qaybo badan oo dalkaasi ka mid ah.

Xuutiyiinta oo lagu eedeeyo in ay gacan ka helaan Iran, ayaa dhul ballaaran oo ka tirsan Yemen qabsaday 2015.

Dagaalka dalka Yamen ayaa waxaa ka dhashay xaaladdii bina'aadanimo ee ugu xumayd sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Dagaalka dartiis, in ka badan kala bar xarumihii caafimaadka ayaa la xiray ama qayb ahaan shaqaynaya, waxayna ka dhigeen 15 malyan oo qof kuwo aan haysan adeeg caafimaad.

Mowduucyada la xiriira