Diyaaradaha dagaalka Afghanistan oo laayay dad rayid ah

Arday iyo dad kale oo rayid ah ayaa ka mid ahaa dadka ay waxyeeladda soo gaartay, dhakhtar ayaa sidaas sheegay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Arday iyo dad kale oo rayid ah ayaa ka mid ahaa dadka ay waxyeeladda soo gaartay, dhakhtar ayaa sidaas sheegay

Weerrar ay diyaaradaha dagaalka milateriga Afghanistan ku qaadeen waqooyiga gobolka Kunduz ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dad badan oo rayid ah iyo dhowr dagaalyahan oo ka tirsan ururka Taalibaan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in diyaarado nooca qumaatiga u kaca ay bartilmaameedsadeen arday isugu soo aruurtay madaraso ku taal degmada Dashti Archi.

Dowladdu waxa ay leedahay ugu yaraan shan iyo labaatan dagaalyahan ayaa weerrarkaasi cirka lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Hasayeeshee dhakhtar ku sugan magaalada Kunduz ayaa BBC-da u sheegay in in ka badan konton qof oo uu soo gaaray dhaawacyo culus, intooda badanna ay arday yihiin, la keenay isbitaalkiisa.

Waxa uu sheegay in ay liitaan qaar ka mid ah dadka uu dhaawaca soo gaaray.

Ma ay jirto cid madax bannaan oo xaqiijinaysa inta ay la eg tahay tirada dadka weerrarkaasi ku waxyeelowday.