Fallaagadii ugu dambaysay oo laga daadgureeyay Bariga Ghouta

Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa Axaddii waxaa lala soo daadgureeyay dagaalyahannada Faylaq al-Raxmaan ee Douma Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa Axaddii waxaa lala soo daadgureeyay dagaalyahannada Faylaq al-Raxmaan ee Douma

Dowladda Suuriya ayaa u muuqata inay isu diyaarinayso inay la wareegto gacan ku haynta magaalada ay gacanta ku hayaan fallaagada ee ku taal gobolka Bariga Ghouta kaas oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in xubnihii ugu horreeyay ee ururka Jaysh al-Islaam ay degmada Douma basas uga baxeen ayna u ambaxayaan magaalada ku taalla waqooyiga ee Jarablus.

Ruushka oo xulafo muhiim ah u ah dowladda ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dagaalyahannada Jaysh al-Islaam ay ogolaadeen in la daadgureeyo.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, ilaa iyo haatan ururkaasi ma uusan soo saarin war uu umuurtaasi ku xaqiijinayo.

Jaysh al-Islaam ayaa inuu meeshii sii joogo ku adkaystay kaddib markii laba urur oo kale oo ka tirsan fallaagada - Faylaq al-Raxmaan iyo Axraax al-Shaam - ay bishii la soo dhaafay ogolaadeen in laga daadgureeyo magaalooyinka ay gacanta ku hayeen oo la geeyo gobolka waqooyiga ee ay fallaagadu ka taliyo ee Idlib.

In ka badan 1,600 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in la dilay kumannaan qof oo kalana la dhaawacay tan iyo markii ay dowladda iyo xulafadeeda bilaabeen weerrarka bartamihii bishii Febraayo, kaas oo ay ku doonayeen inay dib ugula wareegaan gacan ku haynta Bariga Ghouta, taas oo ah meeshii ugu dambaysay ee u dhaw caasimadda Dimishiq oo ay fallaagadu ka taliso.