Ilwaad Elman oo loo magacaabay la taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay
Ilwaad Elman oo loo magacaabay la taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay
Ilwaad Elman waa gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, muddana ka howlgalaysay gudaha magaalada Muqdisho.
Ilwaad oo ku soo barbaartay qurbaha waxna ku baratay ayaa markii dambe go'aansatay inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato si ay gacan u gaysato soo kabshada dalka.
Haatan Ilwaad dadeelkii waxaa aqoonsatay Qaramada Midoobay oo u magacowday inay ka mid noqoto la taliyeyaasha dhanka nabadeynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaasi, Antonio Guterres.
Haddaba xilkan loo magacaabay iyo waxa ay ku mutaysatay ayey weriyaha BBC-da Faaduma Macallin Abuukar ka wareysatay Ilwaad Elman.