Rag xoolo ku xaday gaari qaali ah

Saca la xaday

Xigashada Sawirka, BUKHARA POLICE

Qoraalka sawirka,

Saca la xaday

Booliiska dalka Uzbekistan ayaa xiray labo nin oo xaday xoolo ka dib markii la lagu qabtay iyaga oo ku wata gaari aad qaali u ah.

Askar ka tirsan booliiska gobolka Bukhara ee dalka Uzbekistan ayaa baaritaan kuhayay dad deegaanka ah oo sheegay in laga xaday sac iyo lax, waxaana u suurto gashay iyo in dabo galaan, sida uu ku warramay wargayska UzNews.

Si aan looga shakiyin markii ay xatooyada samaynayeen waxay laxda iyo dibiga saareen gaari qaali ah oo noociisu yahay Malibu Chevrolet kaas oo uu leeyahay mid ka mid ah labada nin, sida ay booliiska deegaanku sheegeen.

Shirkadda gawaaridaas samaysa ee Maraykanka laga leeyahay ayaa caan ka ah dalka Uzbekistan maadaama shirkadda ay hoostagto ee General Motors ay warshad ku leedahay dalkaas, sannadkii 2013kiina dadaal lagu doonayay in gawaari qiimo jaban lagu helo ayay isbuurasho ka dhalatay.

Waayadan dambe way sahlan tahay in la gato gaariga Chevrolet, balse Malibu ayaa wali aad qaali u ah.

Xigashada Sawirka, BUKHARA POLICE

Qoraalka sawirka,

Booliiska oo haya raga laga shakisan yahay iyo sicii ay soo xadeen

Waa gaariga ugu qaalisan ee dalka gudihiisa lagu sameeyo wuxuuna ku kacaa 30,000, taas oo boqollaal jeer ka badan lacagta bishii soo gasha dadka intooda badan.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa aad uga helay sheekadan. Qof Facebook isticmaala ayaana soo qoray "ugu yaraan sacu wuu faraxsan yahay" mid kalana wuxuu ku kaftamay "dabcan waa la xaday sida caruusadda ayaase lagu galbiyay gaari noociisu yahay Malibu".