Masuuliyiin Kenyan ah oo su'aalo laga waydiiyay siyaasi ay tarxiileen

Miguna Miguna

Xigashada Sawirka, Reuters

Saraakiil sarsare oo Kenyan ah ayaa hortagay guddi baarlamaaan si su'aalo looga waydiiyo sidii ay u maareeyeen masaafurintii toddobaadkii hore ee Miguna Miguna oo ah siyaasi mucaarad ah.

Maxkamad ayaa horay ganaax ugu xukuntay saddex masuul oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang, taliyaha booliiska Joseph Boinnet iyo wasiirka socdaalka Gordon Kihalangwa ka dib markii ay ku guuldarraysteen in ay qaataan amarkii maxkamada ee ahaa in Miguna la sii daayo.

Siyaasigaas oo garyaqaan ah ayaa saddex maalmood lagu hayay garoonka ugu wayn dalka Kenya, iyadoo uu muran ka taagnaa muwaaddinimadiisa ka dibna waxaa loo masaafuriyay Dubay.

Masuul dawladda ka tirsan ayaa dadka la wadaagay saddexda masuul oo horfadhiya guddiga baarlamaanka.

Masaafurinta Miguna ee toddobaadkii hore ayaa ahayd markii labaad.

Wuxuu sheegay in la garaacay ka dibna daroogo la siiyay ka hor intii aan xoog diyaarad loogu saarin Dabay

Dawladda Kenya waxay sheegtay in uu dhalashadiisa iska celiyay sannadkii 1988 markaas oo uu qaatay dhalashada Canada.

Waxay intaas ku dartay in ay qasab tahay in uu dalbado dhalashada Kenya haddii uu doonayo in uu dib u helo muwaadinnimadiisa.

Miguna wuxuu sheegay in uu Kenya ku dhashay isla markaasna uusan luminin dhalashadiisa.

Taageerayaashiisuna waxaa kale oo ay farta ku fiiqeen in uu sannadkii hore ka qaybgalay doorashadii Kenya ka dhacday isaga oo u sharaxnaa badhasaabnimo, waana arrin loo ogol yahay muwaadiniinta oo kali ah.

Shalay ayuu Twitterka ku soo qoray waxaan tagay Canada si aan isu soo daweey, walina uu qorshaynayo in uu Kenya ku soo laabto.