Nigeria: Dibedbaxayaal xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Abuja

Dibadbaxayaal
Qoraalka sawirka,

Dibadbaxayaal

Boqolaal qof ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka magaalada Abuja ee dalka Nigeria kuwaasi oo ka soo hor jeeda xariggii loo geystay Sheikh Ibrahim Zakzaky oo ah hogaamiye taabacsan shiyacada dowladda Iraan.

Dadkani ayaa isugu soo baxay fagaaraha Eagles.

Dibadbaxa ayaa sababay in ay xirmaan wadooyinka waaweyn ee magaalada taas oo keentay saxmad.

Waxaa ay dibad baxayaashani sidokale shegeen in booliska ay ka hor istaageen in aay maalin walbo isu soo bax ku qabtaan xarunta Unity Fountain..

Ciidamada booliska ayaa sheegaya in la amray in ay xiraan wadada Fountain oo ay wax isu soo bax ah ka dhicin halkaasi.

Mr ZakZaky iyo xaaskiisa ayay ciidamada millitiriga xireen sanadkii 2015-kii taasi oo sababtay in in kabadan 300 oo kamid ah xubnaha Shiicada la dilo.

Milatariga ayaa ku eedeeyay kooxda in ay isku dayayeen in ay dilaan abaanduulaha milatiga balse kooxdaan ayaa iska fogeeysay eedeeyntaasi.