Hogaamiye Islaamiyiinta Mali ka tirsan oo maxkamad la hor geeyey

Masaajidka Djingareyber ee Timbuktu ee qudbiyadii ku yaallay ay dumiyeen Islaamiyiintu Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Masaajidka Djingareyber ee Timbuktu ee qudbiyadii ku yaallay ay dumiyeen Islaamiyiintu

Hogaamiye jihaad aloos ah oo u dhashay dalka Mali ayaa markii ugu horraysay la hor geeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, waxaana lagu eedeey dambiyo dagaal.

Al Hassan Ag Abdoul Aziz Ag Mohamed Ag Mahmoud, waxa uu ahaa taliyihii boolis diimeedka magaalada Timbuktu markii ay haysteen kooxaha Islaamiyiinta ahi intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2013.

Waxa lagu eedeeday dambiyo ay ka mid yihiin kufsi, dumarkoo galmo lagu adoonsado iyo duminta taalooyin taariikhi ah.

Mahmoud waxa lagu xidhay Mali waxaana loo gudbiyey magaalada Hague todobaadkii hore. Waa hogaamiyihii labaad ee Islaami reer Mali ah ee la hor geeyo ICC, waana kii ugu horreeyey ee lagu qaado dacwad ah dambiyo dagaal.

Mowduucyada la xiriira