Qaar ka mid ah xildhibaannada Hirshabeelle oo scodaal aqoon kororsi dowlad wanaaga ah ku jooga Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaar ka mid ah xildhibaannada Hirshabeelle oo scodaal aqoon kororsi,ah ku jooga Kenya

In ka badan 40 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Hirshabeelle ayaa dhawaanahan booqasho ku joogay dalka Kenya oo ay ku qaadanayeen tababaro ku saabsan la xisaabtanka dawladdda iyo maamul wanaaga.

Xildhibaannada ayaa ka qeyb galay kulamo ay lahaayeen qaar ka mid ah golayaasha maamul deegaannada Kenya si ay cilmi uga kororsadaan ugana faa'iideystaan qaabka ay u shaqeeyaan.

Haddaba, gudoomiyaha gollaha baarlamaanka ee maamul goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo horkacayay xildhibaanadaasi ayaa uga waramay Faarax Lamaane socdaaka ay ku joogaan Kenya iyo waxa ay ka faa'iideen?