Ciidamada Faransiiska oo sheegay in ay Mali ku dileen dagaalyahano IS

Faransiiska waxaa Mali ka jooga ciidamo dhan 4000 oo askari. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Faransiiska waxaa Mali ka jooga ciidamo dhan 4000 oo askari.

Militariga Faransiiska ayaa waxa ay sheegeen in 30 ka tirsan kooxaha Jahaad doonka ay ku dileen Axaddii dalka Mali.

Dilka dagaalyahanadani ayaa ka dambeeyay ka dib dagaal dhexmaray militariga Faransiiska iyo dagaalyahanadan.

Dagaalkan ayaa ka dhacay goobta lagu magacaabo Akabar ee wuqooyi bari dalkaasi oo ku dhaw xudduuda dalka Niger.

Wararka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya in dagaalyahanada la dilay ay ka tirsanaayeen kooxda la baxday dowladda Islamka.

Waxaa weerar ku qaaday Maleeshiyaad maxali ah oo taageero ka helaya ciidamada dalka Mali iyo Faransiiska.

  1. Hogaamiye Islaamiyiinta Mali ka tirsan oo maxkamad la hor geeyey
  2. Mali: Ugu yaraan 37 ku dhimatay qarax baabuur
  3. Heshiis Midowga Yurub iyo Mali oo lagu yaraynayo tahriibka

Ciidamada Faransiiska ayaa faragaliyay dalka Mali 2013 si ay meesha uga saaraan kooxo Islaamiyiin ah oo inta badan dalkaasi qabsaday.

Faransiiska ayaa waxa imika dalka Mali ka jooga ciidamo dhan 4000 oo askari.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa waxa dalka Mali ka jooga ciidama nabad ilaalin ah oo dhan 12,000 oo askari.

Mowduucyada la xiriira