Maxay mar kaliya u wada dhawaaqayaan gambaleelada Maraykanka?

Martin Luther King Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Martin Luther King

50 sano ayaa laga joogaa markii la dilay hoggaamiyihii u dhaqdhaqaaqayay xuquuqda dadka madoow ee Martin Lutherking, sidaasi darteed inta badan magaalooyinka dalka Maraykanka gambaleelo ku yaala ayaa markaliya laga dhawaajinayaa.

Gambaleel kasta waxa uu garaacmayaa 39 jeer oo u dhiganta tirada sanadaha da' ahaan uu jirey Martin.

Gambaleelka ugu muhiimsan waxa uu ku yaalaa hoteelka Memphis oo ahayd halkii lagu dilay, waxaana lagu qabanayaa xaflad balaaran oo loogu baroordiiqayo dilkiisa.

Gabadha lagu magacaabo Jesse Jacson ayaa sheegtay in laxawga geerida Martin uu wali yahay mid la dareemayo.

Maalinta dhalashadiisa ayaa laga dhigay maalin fasax ah dalka Maraykanka, waxaana loo aqoonsaday in uu yahay halyeey qaran.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sanad guuradi 50 Martin Luther King oo si weyn looga xusayo Mareykanka

Wiil uu dhalay Martin oo lagu magacaabo Martin Luther King III ayaa sheegay in aabihiis gadaashiis ay dhaceen isbadalo badan oo xagga jinsiyadaha ah, balse wali Maraykanka ay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay in isbadalo lagu sameeyo.

Qof far-toogte ah ayaa shiish meel fog ah ku diley Martin xili uu ku sugnaa hoteel, gobolka Tennessee oo uu booqasho ku joogay.

Boqolaal dad ah ayaa socod ku tagay madxafka Dr King oo ku yaala magaalada Washintong, iyaga oo muujinaya xushmadda ay u hayaan ninkaasi halyeeyga ahaa ee la dilay.

Madaxweyne Trump iyo madaxweynihii hore Barack Obama ayaa labaduba bogaadiyay dadaalkii uu galay Dr King.

Obama ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah oo laga doortay Maraykanka, taas oo ka mid ahayd riyooyinkii ugu waaweynaa ee uu lahaa Dr Martin Luther King.

Mowduucyada la xiriira