Madaxweynihii hore ee K/Koonfureed oo lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah

Park ayaa maxkamad la soo taagay bishii May ee sannadkii 2017 wax yar uun ka dib markii xabsi loo taxaabay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Park ayaa maxkamad la soo taagay bishii May ee sannadkii 2017 wax yar uun ka dib markii xabsi loo taxaabay

Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye ayaa lagu xukumay inay 24 sano ku qaadato xabsi ka dib markii lagu helay dambi ah in ay ku takrifashay awoodda iyo dambiyo kale, waxaana xukunka maxkamada si toos ah looga baahiyay warbaahinta.

Fadeexadda soo wajahday madaxweynihii hore ayaa ruxday Kuuriyada Koonfureed, waxayna hurisay caro ka dhan ah siyaasiyiinta iyo ganacsatada caanka ah.

Madaxweynihii hore ma aysan soo xaadirin marka ay maxkamaddu jeedinaysay go'aanka.

Maxkamadda ayay isaga joogtay waxayna ku eedaysay in ay ka xaglinayso.

Xukunka maxkamadda ayaa si toos ah loo baahiyay Jimcihii, arrintaas oo ahayd mid aan horay loo filaynin ayaa dhalisay xiiso badan oo ay dadku muujiyeen si ay ula socdaan.

Mowduucyada la xiriira