Baarlamaanka Malaysia oo la kala diray

Rai'sul wasaaraha dalka Malaysia, Najib Razak Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rai'sul wasaaraha dalka Malaysia, Najib Razak

Rai'sul wasaaraha dalka Malaysia, Najib Razak, ayaa ku dhawaaqay in la kala diray baarlamaanka dalkaasi.

Kala diridda baarlamaanka ayaa waddada u xaareysa in la qabto doorasho waqtigeedii laga soo hormariyay.

Najib Razak ayaa waxa ay doorashada fooda is dari doonaan ninkii siyaasadda kus oo barbaariyay, Mahatir Maxamad.

Mr Mahatir oo horey rai'sul wasaare dalkaasi uga soo noqday ayaa mar kale doonaya in uu xilka u tartamo isaga o ay da'diisu tahay 90 jir.

Doorashada dalka Malaysia ayay imika tahay in la qabto muddo 60 maalmood gudahood ah marka baarlamaanka la kala diro.

  1. Mahathir Mohamad oo mar kale u tartamaya rai'sul wasaaranimada Malaysia
  2. Haweenka Muslimiinta Malaysia oo tacaddi kala kulma baraha bulshada
  3. Khilaafka is jiijiidka ee u dhexeeya Malaysia iyo Woqooyiga Kuuriya

Guddiga doorashada ee dalkaasi ayaa imika laga sugayaa in ay ku dhawaaqaan taariikhda la qabanayo doorashada dalkaasi.

Wariyaha BBC ee dalka Malaysia ayaa waxaa uu sheegay in Najib shacbiyadiisa saamayn ku yeeshay fadeexado musuqmaasuq iyo in si xun loo isticmaalay balaayiin doolar oo shirkad maalgashi oo dowladda xiriir la leh.

Rai'sul wasaare Najib Razak ayaa beeniyay eedeymahan.