Guddiga u ololeynaya in Muqdisho lala mataaneeyo St.Paul Minnesota oo la hadlay BBC

Guddiga u ololeynaya in Muqdisho lala mataaneeyo St.Paul Minnesota oo la hadlay BBC

Gobolka Minnesota ee Maraykanka ee Soomaalida badani ku nooshay, ayaa magaalada xarunta u ah ee St. Paul oo la doonayo in lala mataaneeyo magaalooyin ku yaalla Soomaaliya waxaa isku maandhaafsan laba gudddi oo Soomaali ah oo midkood matalayo magaalada Muqdisho, ta kalena magaalada Garoowe. Muranka waxa salkiisu yahay labadaa magaalo ee Soomaaliya ku yaal, tii u horraysay ee la damcay in lala mataaneeyo St. Paul.

Waa dhacdo layaab ku noqotay Soomaalida Maraykanka ku noole, waxa hadba weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine la kulmay xubno ka tirsan labada dhinac oo uu waydiiyey halka isa seeggu ka yimid. Imaam Xasan Maxamuud Xasan, Jaamici oo ka tirsan gudiga u ololaysa mataanaynta Muqdisho iyo St. Paul.