Laba gabdhood oo walaalo ah oo hal habeen wada dhalay

Lacey (bidix, iyo gabdheeda Lola-Mae) iyo Libby Harris (iyo wiilkeeda Joshua) Lahaanshaha sawirka JOSHUA GASKELL
Image caption Lacey (bidix, iyo gabdheeda Lola-Mae) iyo Libby Harris (iyo wiilkeeda Joshua)

Labada gabdhood ayaa ku dhalay muddo shan sacaadaddod gudohood ah iyagoo ku sugan hal cisbitaal. Qoykooda ayaa u dhaxeeyay labada qol oo ay ku jireen gabdhaha.

Libby Harris oo 20 jir ah iyo walaasheed Lacey ayaa ku wada dhalay xarunta dumarka ay ku dhalaan ee Blackburn.

Lacey waxay dhashay gabar loo bixiyay Lola-Mae halka Libby ay dhashay will loogo magacdaray Joshua.

Libby ayaa sheegtay in ay farxad weyn u tahay in iyada iyo walaasheed ka yar ay marxaladda uurka hal waqti soo wada mareen.

"Waxaan wada qaadan doonnaa khibraddda hooyanimada oo ah mid inagu cusub balse waxaa ka sii muhiimsan waxaanu nahay walaalo", ayay tiri Libby.

Gillian Brandon oo ah umuliso khabiir ah ayaa sheegtay in arrintani ay ahayd "kheyralcaadi balse waxay ahayd waqti farxad weyn u ah gabdhaha walaalaha ah iyo dhakhaatiirtuba".

Waxaan hambalyo u direynaa gabdhaha, carruurtooda iyo qoyskooduba," ayay tiri.

Mowduucyada la xiriira