Ciidamo dalka Sudan u dhashay oo Yemen lagu laayay

Suudaan
Image caption Suudaan

Saraakiisha Militariga dalka Yemen ayaa sheegay in fallaagada Xuutiyiinta ay ku go'doomiyeen ciidamada Sudan gobolka dhaca waqooyiga dalkaasi ee Hajjah.

Arrintaan ayaa la aaminsan yahay in ay tahay khasaarihii ugu weynaa ee soo gaara ciidamada ka socda dalka Sudaan ee ku sugan dalka Yemen, kuwaasi oo dalkaas ka hawl galayey tan iyo sanadkii 2015.

Suudaan ma'ahan dalka kaliya ee ku lug leh loollanka ka taagan dalkaasi, Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in boqolaal ciidamo ah oo u dhashay dalka Eritera ay sidoo kale qayb ka yihin.

Isutagga Imaaraatka Carabta,oo sidoo kale qayb ka ah isbahaysiga Sucuudiga ayaa saldhig military ku leh dekadda lagu magcaabo Assab ee Eriterea.

Waxaa sidoo kale saldhig kaas lamid ah ay ka dhisaysaan Jamhuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Labaduba waxa ay daris la yihiin dalka Yemen.

Dhanka kale Waxaan si dhab ah loo xaqiijin in qaar kamid ah ciidamada uu imaaraadku ku tababaro Soomaliya la gayn doono dalka Yemen si ay halkaasi uga dagaallmaan.

Mowduucyada la xiriira