Soomaalida Itoobiya oo dalbanaya qeyb ka noqoshada go'aanada masiiriga ah ee Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Itoobiya oo dalbanaya qeyb ka noqoshada go'aanada masiiriga ah ee Itoobiya

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Jigjiga shalay booqday. Waa safarkiisii ugu horeeyey ee uu Ra'iisul wasaaruhu kaga baxo magaalada Adis Ababa tan iyo intii la magacaabay.

Hadaba maxay tahay muhimada uu safarkani u leeyahay xaalada dalka Itoobiya iyo gaar ahaan gobolka Soomaalida, iyadoo ay jirtay in Soomaalida iyo Oromada uu dagaal horay u dhexmaray

Abdixakim Cigaal waa madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxuu u waramay Cabdinaasir sheekh Maxamed Xikam.