Ra'iisul Wasaaraha Hungary oo baadigoobaya muddo xileedkiisii afraad

Ra'iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban

Ra'iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee codkooda ka dhiibtay doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaasi.

Waxa uu ra'iisul wasaaruhu rajaynayaa inuu xafiiska ku guulaysto muddo xileedkiisii afraad, kaddib olole xooggan oo diiradda ku saaray digniin ku aaddan sida muhaarijiinta aanay dan uga lahayn dhaqanka kirishtaanka ee Yurub.

Dadka isaga ka soo horjeeda ayaa sheegaya in arrinta uu ra'iisul wasaaraha sheegayo ay ka weyn tahay dadka dalkaas u dhashay ee waddanka isaga guuraya, iyadoo boqollaal kun oo qof u dhalatay waddanka Hungary ay dalkaasi isaga tagayaan iyagoo baadigoobaya nolol wanaagsan.

Ra'yi uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa in xisbiga Mr Orban ee Fidesz uu hoggaanka u hayo xisbiyada la tartamaya hasayeeshee waxaa loo malaynayaa in tiro badan oo u soo baxda doorashada iyo codbixinta oo ah mid adag ay xadidi karto inuu xisbigiisa ku guulaysto aqlabiyadda ballaaran.