Milatariga Mali oo afar iyo toban qof ku dilay bartamaha magaalada Dioura

Ciidammada Faransiiska ayaa soo galay Mali kaddib markii qeyba ka mid ah dalkan ay qabsadeen islaamiyiin 2012 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciidammada Faransiiska ayaa soo galay Mali kaddib markii qeyba ka mid ah dalkan ay qabsadeen islaamiyiin 2012

Kooxaha xuquuqul insaanka waddanka Mali ayaa ku eedeeyay milatariga dalkaasi inay ku dileen afar iyo toban maxbuus bartamaha magaalada Dioura.

Milatariga ayaa sheegay in dadkaasi lasoo xiray maalintii Khamiista lana dilay wax yar uun kaddib xiligaasi.

Dadka la laayay ayaa kasoo jeeda kooxda qabaliga ah ee loo yaqaano Fulani.

Waxaa jiray dhawaanahan in kooxa islaamiyiin ah ay weerarayeen ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Mali.

Afhayeenka xiriirka kooxda weyn ee qabaliga ee Fulani ayaa ku eedeeyay milatariga Mali inay howlgalo ay qaadeen ay ku dileen dad badan.

Waxa uu sheegay in kooxda Fulanis oo ah dad xoolaley ah in marwalba si been abuur ah loogu eedeeyo inay yihiin kooxaha jihaadiyiinta ah.

Ehelada dadka la laayay ayaa waxa ay sheegeen in nimanka dhintay aysan wax xiriir ah la lahayn kooxaha xagjirka ah.

Milatariga Mali ayaa doonaya inay ka sifeeyaan bartamaha dalkaasi kooxaha xagjirka ah ka hor doorashada kusoo fooda leh oo ay ka harsan tahay saddexda bil.

Toddobaadkaan kooxaha xuquuqul insaanka sida Amnesty International ayaa sheegay in saddex qof oo meydkooda laga helay xabaal wadareedyo ku yaalla bartamaha waddanka Mali ay soo xireen ka hor saddex maalin uun milatariga dalkaasi inta aanan la toogan.