Nin '20 sano guriga ku hayay wiil uu dhalay'

Calaamad booliis Lahaanshaha sawirka Reuters

Booliiska dalka Japan ayaa xiray nin 73 jir ah oo looga shakisan yahay in uu wiilkiisa ku dhex xirxiray goob uu gurigiisa uga ag dhisay, halkaasna ku hayay in kabadan 20 sano.

Yoshitane Yamasaki aayaa sheegay in wiilkiisa hadda 42 jir ah uu halkaas ku xirxiray, sababtuna ay tahay in uu dhimirka ka xannuunsanaa, mararka qaarna uu dagaalami jiray, sida ay sheegeen masuuliyiin ay soo xigatay warbaahinta dawladda ee NHK.

Goobta lagu hayay wiilka oo guriga aabihii ku dhagan ayay dhererkeedu ahayd 1 mitir ballaceeduna ahaa in yar 2 mitir.

Waxay arrintani ka dhacday magaalada Sanda ee dalka Japan.

Wiilka ayuu dhabarku qaloocsamay waxaana ganacanta ku haya oo baxnaaninaya dawladda.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in ay dawladdu wiilka ku baxnaaninaysay galbeedka Japan tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan.

Shaqaalaha dawladda ee guriga Yamasaki booqday ayaa booliiska ku wargaliyay goobta lagu hayo wiilka 42 jirka ah.

Baareyaashu waxay rumaysan yihiin in Yamasaki uu billaabay in uu wiilka xirxiro markuu 16 jir noqday "ee uu billaabay dagaalka"

Ilaa iyo hadda booliisku waxay xabsi ku hayeen wiilka aabihii 36 saac isaga oo loo haystay in uu wiilkiisa xirxiray, wuxuuna xabsigaas galay 18 Janaayo.

Yamasaki ayaa la sheegay in uu masuuliyiinta u qirtay eedaymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in uu maalinkaste quudin jiray, maalin dhaafna uu ugu qabayn jiray.

Mowduucyada la xiriira