Xildhibaannada waday mooshinka Jawaari oo inooga warramay iscasilaadda la sheegay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaannada waday mooshinka Jawaari oo inooga warramay iscasilaadda la sheegay

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka ee Soomaaliya, Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey, ayaa xildhibaannada isaga taageersan u sheegay inuu iscasilay gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, sida ay BBC-du ka soo xigatay qaar ka mid ah mudanayaasha.

Illaa hadda wax wara oo ka soo baxay Gudoomiye Jawaari ma jiro laakiin xildhibaano isaga ku dhaw dhaw ayaa BBC-da u xaqiijiyay inuu ogolaaday inuu xafiiska banneeyo.

Haddaba xagee halkan looga dhaqaaqayaa? Su’aashaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah xildhibaannada waday mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari oo u warramay weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aaden.