Ciyaartooy isku mehersaday garoonka dhexdiisa

Jammel iyo Georgia Lahaanshaha sawirka Basketball England
Image caption Jammel iyo Georgia

Labo ciyaartooy oo lab iyo dhedeg kala ah oo u ciyaara dalka Britain ayaa isku mehersaday garoon ay ciyaaro ka dhacayeen.

Jamell Anderson iyo Georgia Jones ayaa ka kala tirsan xulka ragga iyo kan dumarka ee ciyaaraha kubbada laliska ee England, iyaga oo ka qeybgalayay ciyaaraha dalalka Barwaaqo Sooraanka ah.

Kadib markii kooxdii dumarka ay kasoo badiyeen kooxda dumarka ee Mozambuque , halka xulka raggana ay kasoo badiyeen kooxda dalka Cameroon ayaa waxaa biloowday dabaaldegyadii caadiga ahaa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo soconaya

Balse dabaaldega intaas kuma uusan hakan, waxaa markiiba biloowday dabaaldeg nooc kale ah, waana meherka lammaanahan is calmada.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Lammaane faraxsan

Jammel ayaa si lama filaan ah codsigiisa guurka u bandhigtay Georgia, isaga oo inta jilbaha dhulka dhigtay, soo bixiyay faraantii, kuna yiri "Ma is guursanaynaa", falkaas oo dhaqamada reerbeedka ka dhigan meher rasmi ah haddii ay gabadha ogolaato, wiilkuna faraantida u galiyo.

Markii Jammel la weeydiiyay sababta uu meherka ugu soo beegay munaasabadan, ayuu yiri "Waxay ahayd fursad aan wada sugaynay, aadna ugu shaqaynay in aan heerkan soo gaarno, kubbada laliskana waa qeyb weyn oo ka mid ah xiriirkeena jacayl" .

Georgia ayaa garoonka ku laabanaysa maalinta isniinta, iyaga oo wajahaya dalka Australia oo ay wada dheelayaan ciyaarta kama dambeysta ah.

Mowduucyada la xiriira