Maraykanka: Haweenaydii u horraysay ee iyada oo Senator ah dhasha

Duckworth waxay labada cagoodba ku beeshay shil ay ku gashay Ciraaq iyadoo ciidammada Maraykanka ka tirsan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Duckworth waxay labada cagoodba ku beeshay shil ay ku gashay Ciraaq iyadoo ciidammada Maraykanka ka tirsan

Tammy Duckworth oo 50 jir ah ayaa gabadh dhashay, waxayna noqotay haweenaydii u horraysay ee iyadoo aqalka Senetka ee Maraykanka ka tirsan dhasha.

Haweenaydan oo laga soo doorto gobolka Illinois ayaa ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, waxayna Twitterka ku soo qortay in gabadha loogu magacdaray Maile oo ah haweenay ka mid ahayd waalidka ninkeeda taas oo kalkaaliso caafimaad ahayd markii uu socday dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Iyada oo Twitterka qoraallo badan soo dhigtay ayay sheegtay in ay u mahad celinayso qoyskeeda iyo shaqaalaha caafimaadka.

Duckworth ayaa horray u soo noqotay duuliye ka tirsan ciidammada cirka, waxaana laga jaray labada cagoodba ka dib markii ay shil ku gashay dalka Ciraaq.

Haweenayday ayaa horay taariikh u samaysay ka dib markii ay noqotay haweenaydii u horraysay ee iyada oo naafo ah loo doorto aqalka Senetka Maraykanka.

Waxay sidoo kale ka mid noqotay 10ka dumarka ah ee dhalay iyaga oo haya xil heer faderaal ah oo loo doortay, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Waa gabadhii labaad ee lamaanahan u dhalata, waxay hadda dhabta ku haysaa gabadheeda wayn ee Abigail

Mowduucyada la xiriira