Madaxweyne Trump oo sheegay in dalkiisa "la weeraray"

Madaxweyne Trump (bidix) ayaa hawlganka ka dhanka ah xafiiska Cohen ku tilmaamay "fool xumo" Lahaanshaha sawirka Getty Images/Reuters
Image caption Madaxweyne Trump (bidix) ayaa hawlganka ka dhanka ah xafiiska Cohen ku tilmaamay "fool xumo"

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay tahay "fool xumo" iyo weerar lagu qaaday dalka hawlgalka ay hay'adda FBI-du ka fulisay xafiiska iyo guriga qareenkiisa khaaska ah.

"Quraafaadkan joogtada ah ayaa i haysta" ayuu ku yiri saxafiyiinta Aqalka Cad ka soo warrama.

Saraakiisha magaalada New York ayaa "gacanta ku dhigay xiriirradii shaqsiga ahaa" ee dhexmaray Michael Cohen iyo macaamiishiisa, ayuu yiri qareenkiisu ka dib markii la weeraray Isniintii.

Xogta la xiriirta lacagta la siiyay gabadha aflaanta galmada ah jisha ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

Laamaha sharci fulinta waxaa "hawshooda og" dambibaaraha khaaska ah Robert Mueller, kaas oo baaritaan ku haya in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka ee 2016kii.

Trump ayaa dhaliilay baaritaankaas, kooxda Mueller ayuunu ku tilmaamay "dadka ugu xaglinta badan".

Cohen ayaa aad loo hadal hayay tan iyo markii uu qirtay in uu 130,000 oo doolar siiyay Stormy Daniels oo ah gabadh jilaa ah oo ku caan baxday filimada tumashada ah, taas oo magaceeda saxda ah uu yahay Stephanie Clifford, arrintaasina waxay dhacday maalmo uun ka hor markii ay dhacaysay doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016kii.

Daniels ayaa sheegatay in ay la tumatay Trump wax yar uun ka dib markii ay wiil dhashay xaaskiisa Melania, waxayna sheegtay in lacag la siiyay si ay arrintaas uga gaabsato.

Mowduucyada la xiriira