Yulia Skripal oo ka reysatay suntii la saaqsiiyay

Yulia Skripal ayaa aabaheed la socotay markii sunta lagu buufinayay Lahaanshaha sawirka YULIA SKRIPAL/FACEBOOK
Image caption Yulia Skripal ayaa aabaheed la socotay markii sunta lagu buufinayay

Gabadha uu dhalay nin horey basaas u ahaan jirey oo Ruushka u dhashay, taas oo iyada oo aabaheed la saaqsiiyay sun neerfaha hawlgab ka dhigta ayaa lagu soo waramayaa in isbitaalka laga soo saaray, kadib markii ay kasoo reysatay suntii la saaqsiiyay.

Gabadhan oo 33 jir ah ayaa ku jirtay isbitaal ku yaala magaalada Salisbury, waxaana la geeyay goob nabdoon sida la sheegay.

War kasoo baxay isbitaalka ayaa lagu sheegay in daweynta aysan wali u dhammaanin Yulia, balse ay aad uga soo kabatay suntii la saaqsiiyay.

Aabaheed Sergei Skripal oo 66 jir ah ayaa wali isbitaal ku jira, waxaana la sheegay in laftiisa uu soo kabanayo.

Weerarka sunta ah ee labadan qof lagu qaaday ayaa dagaal dublamaasiyadeed oo weyn ka dhex dhaliyay dowladda reer galbeedka iyo dowladda Ruushka, iyada oo la kala rartay dublamaasiyiin bada.

Dowladda UK ayaa Ruushkaa ku eedeysay weerarka, balse Ruushka waa ay beeniyeen arrintaas.

Mowduucyada la xiriira