Haweeney “uur been ah” u yeeshay dumarka oo xabsi lagu xukumay

waa qaar ka mid ah dumarkaasi Lahaanshaha sawirka ALHASSAN SILLAH
Image caption waa qaar ka mid ah dumarkaasi

Maxkamad ku taal dalka Guinea ayaa ku xukuntay haweeney dawa dhaqameed wax ku daaweeysa shan sano oo xukun ah qiyanadii ay ku sameeysay in haweenku ay u maleeyaan in ay uur leeyihiin.

Dadka ay khiyaantay iyo ururada u doodda xuquuqda aadanaha ayaa ka niyad jabay sanadaha kooban ee lagu xukumayay, waxaana ay rajeynayeen in haweeneydaasi xabsi daa'in lagu xukumi doono.

Laba qof oo kale ayaa iyaguna lagu helay inay gacan siinayeen haweeneydan, waxaana lagu kala xukumay saddex iyo afar sano.

kamara ayaa la qabtay bishii January xilligaasi oo lagu eedeeyay inay boqolaal dumar ah oo dhali waayay ay siisay caleen, dhir iyo dawooyin ka dhigay kuwo calool weyn oo u eg inay uur yihiin.

Dumarka daweynta u doontay haweeneydaasi ayaa midkiiba bixisay 33 dollar, ayadoo celcelis ahaan dakhliga shakhsiga dalkaasi uu bishiiba yahay 48 dollar.

Waxaa la rumaysan yahay in haween ka badan 700 oo da'doodu u dhexeyso 17 ilaa 45 jir ay ku dagmeen khiyaannada Kamara.

Qaar ka mid ah dumarkaasi ayaa uur u ekaa muddo dhan 16 bilood.

Dakhtar boolis ah oo baaray 47 ka mid ah dumarkaasi ayaa sheegay inay dhibaato muddo dheer ah ka qaadi doonaan daweyntaasi dhibaato muddo dheer ah.

Camara ayaa difaacday waxa ay samaysay, ayadoo sheegtay inay ku dadaaleysay qaabkii ay dumarkaasi uga caawin lahayd helitaanka waxa ay tiigsanayaan.