Winnie Mandela oo maanta la aasayo

Winnie Mandela waxa ay noqotay siyaasiyad caan ah ka dib markii xisbiga ANC ay talada la wareegeen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Winnie Mandela waxa ay noqotay siyaasiyad caan ah ka dib markii xisbiga ANC ay talada la wareegeen

Xus loo sameynayo Winnie Madikizela Mandela oo ah xaaskii hore ee madaxweynihii hore Koofur Afrika Nelson Mandela, ayaa maanta lagu qaban doonaa garoonka Orlando Stadium oo ku yaalla Soweto ee dalka Koofur Afrika.

Winnie oo in muddo ah xanuunsaneyd ayaa 2-dii bishan ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg.

Garoonka Orlando oo qaada 40 kun oo qof ayaa la filayaa inuu maanta buuxsamo ayadoo halkaasi ay shacabka Koonfur Afrika uga qeybgali doonaan aaska Winnie Mandela.

Xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC ayaa sheegay inuu ku dadaali doono in Winnie loo sameeyo aaska ay mudan tahay, waxaana la filayaa in aaska uu khudbad ka jeedo madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika, David Mabuza.

Madaxweynaha dalkaasi Cyril Ramaphosa ayaa isna khudbad qaran oo lagu xusayo noolashii Winnie Mandela jeedin doona maalinta Sabtida ah.

Aaska haweeneydan lasoo dagaalantay nidaamkii midab takoorka ku dhisnaa ee Koonfur Afrika ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgali doona milateriga dalkaasi.

Mowduucyada la xiriira