Maxay Suudaan uga dhigan tahay sii deynta siyaasin xiran
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay Suudaan uga dhigan tahay sii deynta siyaasin xiran

Madaxweynaha dalka Sudan Omar Xasan al-Bashir ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah xabsiga looga sii daayo siyaasiyiinta ku xiran xabsiyada dalkaasi.

Warbaahinta ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in go'aankani looga jawaab celinayo baaq ka soo yeeray xisbiyada siyaasadda ee ka jira dalka waxa ayna ka mid tahay wadada wadahadallada qaran ee ka socda dalkaasi.

Haddaba maxay talaabadani uga dhigan tahay Suudaan, waxaan weydiinnay Axmed Sh Maxamed Ahmed (tiir) oo falanqeeya arrimaha Carabta, qadka telefoonka ayuuna iigu warramay.

Mowduucyada la xiriira