Raysal wasaaraha Itoobiya oo dibadbaxayaasha ugu baaqay inay dulqaataan

Itoobiya Lahaanshaha sawirka AFP

Raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqday meelaha ugu daran ee ay ka socdeen dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo, isagoo ballan qaaday in isbeddel uu iman doono haddii ay dadku dulqaad muujiyaan.

Isagoo la hadlayay kumannaan qof oo isugu yimid garoon ku yaalla magaalada Ambo, ayuu 42-jirkan sheegay in dalku "uu hayo dhabbaha isbeddelka iyo jaceylka".

Booliiska ayaa isku dayay in dadkii goobta ku sugnaa ay xakameeyaan.

Raysal wasaaraha cusub, oo ah sarkaal hore oo ciidan, ayaa ka soo jeeda qowmiyadda dalkaasi ugu ballaaran ee Oromo, waxaana magacaabiddiisa loo arkaa inay dejin doonto dibadbaxayaasha.

Dibadbaxyo lagu dalbanayo in isbeddel lagu sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha dalkaasi Itoobiya ayaa socday ku dhowaad saddex sano, kumannaan qof ayaana loo xirxiray.