Mareykanka: Jawaab milatari ayaan ka bixin doonaa weerarkii kiimikada Suuriya

Sailors man the rails aboard the guided-missile destroyer USS Donald Cook, 11 April 2018. Lahaanshaha sawirka AFP

Maraykanka ayaa sheegaya "inuu ka baaraandegayo xaalad kasta oo u furan" si uu uga jawaabceliyo weerarka la tuhunsan yahay in loo adeegsaday hubka kiimikada ah ee ka dhacay Suuriya, xilli hogaamiyayaasha galbeedka ay ka fekerayaan qaadidda tallaabooyin milateri.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders ayaa weriyayaasha u sheegtay inaan go'aan laga gaarin tallaabada milateri ee la qaadayo.

Golaha ammaanka Qaran ee Maraykanka ayaa maanta ka shiraya tallaabada ay ka qaadayaan Suuriya, halka Ra'iisal wasaaraha UK, Theresa May ay isugu yeertay golaheeda wasiiradda.

Faransiiska ayaa sheegay inuu hayo caddeyn ah in ciidammada dowladda Suuriya ay adeegsadeen hubka kiimikada.

Hoggamiyayaasha dalalka galbeedka ayaa u muuqda inay u diyaar garowbayaan weerarrada dhinaca hawada ah balse Ruushka ayaa sheegay inay sameyn doonan aargoosi haddii weerar lagu soo qaado xulafadooda Suuriya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ,Ruushka iyo Mareykanka ayaa hor istaagay qaraar ay kala wateen, ka dib markii la isku afgaran waayay cidda baaritaanka ku samayneysa weerarka kiimikada ah ee la sheegay.

Ururka Caalamiga ah ee mamnuucidda Hubka Kiimikadda ah (OPCW) ayaa sheegay inuu dhawaan booqanayo Douma, balse ma cadda marka uu halkaa gaari doono, iyo inta ay la egtahay caddeynta uu goobta ugu tegi doono.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ku waxyeeloobay weerarkan ay u badnaayeen haween iyo carruur

Magaalada ayaa haatan la baneeyey,kaddib is afgarad ka yimid Ruushka iyo mucaardka ka dagalamay magaladaas.

Ruushka ayaa sheegaya in magaalada ay la wareegeen ciidamada Suuriya, dhismayaasheedanna laga taagay calanka dowladda, walow aan la xaqiijin karin sheegashadaasi.

Sarkaal lagu magacaabo Yury Yevtushenko ayaa sheegaya inay taasi muhiim u tahay taarikhda Suuriyada iyadoo bariga Ghouta ay hadda gacanta ku hayso dowladda.

Muxuu yiri Maraykanka?

Afkhayeenka aqalka cad Ms Sanders ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu hayso fursado kala duwan oo intooda badan uu tixgelinayo.

"Ma aanan gaarin go'aanka tallaabada aan qaadaneyno," ayay tiri.

Hadalkaasi ayaa u muuqda mid ka duwan farriintii uu madaxweyne Trump shaaciyay oo uu uga digayay Ruushka in Suuriya ay kusoo wajahan yihiin gantaallo weerar ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Markabka USS Donald Cook oo ku sugan badda Mediterranean

Maxaa xiga?

Maraykanka, Britain iyo Faransiiska ayaa isku raacay inay si wadajir ah u shaqeeyaan iyadoo la aaminsanyahay inay isku diyaarinayaan inay weerar milateri ay qaadi rabaan oo ay ooga jawaabayaan weerarkii la sheegay in sunta kiimikada loo adeegsaday ee Sabtidii la soo dhaafay laga geystay Suuriya.

Wasiirka difaaca ee dalka Mareykanka, James Mattis, ayaa sheegay in Mareykanka uu waday baaritaan suntakiimikada ah balse wuxuu ku daray in milateriga Mareykanka uu diyaar u yahay wax walbo oo soo baxa sida uu madaxweynaha sheegay.

Maraykanka oo u digay Woqooyiga Kuuriya

Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab

Maraykanka oo weeraray Suuriya

Maxaa ka dhacay magaalada Douma?

Dadka u ololeeya arrimaha bini'adamnida iyo saraakisha caafimaadka ayaa sheegay in boqolal qof ay geeriyoodeen kaddib markii ay diyaaradaha dowladda sun kiimiko ah ku tureen magaalada Douma maalintii Sabtida ahayd.

Madaxweyne Bashar al-Assad oo taagero milateri ka helo Ruushka ayaa dafiray in ay dowladdiisa ka dambaysay weerarkaas.

Hayy'adda caafimaadka aduunka ayaa maalintii Arbacada ahayd dalbatay inay xaqiijiso warbixinada la shaaciyey oo ah in 70 qof ay dhinteen oo 43 ka mid ah ay la haayeen calaamadaha sunta kiimikada.

Halkuu Ruushka ka taagan yahay arrinkan?

Xubna sare oo u hadlay Ruushka ayaa sheegay in Ruushka uu ka jawaab celinayo weerar kasta oo ka yimaada Maraykanka

Arbacadii ayaa Alexander Zasypkin oo ah safiirka Moscow u fadhiya Lubnaan waxa uu sheegay in dalkiisa uu soo ridi doono gantaal kasta, uuna weerarri doono goobta laga soo riday, waa haddii ay khatar gasho noolasha ciidamada iyo shaqaalaha dalkiisa.

Madaxweyne Vladimir Putin mar uu la hadlayey safiirro dhawaan la magacaabay ayuu sheegay in uu rajeynaya in ay xaaladda haatan taagan lagu wajihi doono caqli saliim ah.

Mowduucyada la xiriira