Isku aadka horyaallada Yurub oo la shaaciyay

Liverpool ayaa dhagaha ku dhufatay koobka Horyaallada Yurubna ka saartay kooxda Manchester City Lahaanshaha sawirka Reuters

Kooxda Liverpool ayaa la dheeli doonta Roma ciyaar ka tirsan koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.

Iyada oo la shaaciyay isku aadka wareegga safar dhammaadkana Bayern Munich waxay fooda is daridoonaan Real Madrid.

Liverpool oo 5-1 ku reebtay Manchester City ayaa Roma martigalin doonta 24ta ama 25ka Abriil wareegga labaadna waxay is arki doonaan 1 ama 2 bisha May.

Ciyaarta kama dambaysta ah ee Horyaallada Yurubna waxaa lagu qaban doonaa magaalad Kiev ee dalka Ukraine maalinta Sabtida ah ee 26 bisha May.

Dhanka kalana waxaa la shaaciyay isku aadka afar dhammaadka koobka Europa League, Arsenal ayaana wajihi doonta Atletico Madrid halka kooxda Red Bull ay ka wajihi doonto Salzburg, ciyaartaasina waxay ka dhici doontaa magaalada Marseille ee dalka Faransiiska.

Kooxda lagu naanayso Gunners ayaa lugta hore ku dheeli doonta gurigeeda maalinta Khamiista ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 26 Abriil, hal toddobaad ka dibna waxay dheeli doontaa is aragga labaad oo dhici doona 3 bisha May.