Somaliland oo uu ka bilowday ololaha la dagaalanka nabaad-guurka

Somaliland oo maanta laga bilaabay olole tallaalayo 60 kun oo geed
Image caption Somaliland oo maanta laga bilaabay olole tallaalayo 60 kun oo geed

Somaliland guud ahaan magaalo iyo miyi waxaa maanta laga bilaabay olole dhir-beeris ah si loola dagaallo xaalufka iyo nabaad-guurka.

Wasaaradda Horumarinta Deegaanka ayaa ku dhawaaqday in ilaa lixdan kun oo geed uu ku talogalku yahay in la beero, iyadoo qof waliba ilaa madaxweynaha uu beerayo hal geed.

Ololahan oo socondoona ilaa labaatan maalmood ayaa magaalada Hargeysa oo keliya qorshuhu yahay in toban kun oo geed laga beero oo beeristu saakaba ka bilaabantay.

Meelaha dhirta badan laga beerayo waxaa ka mid xataa dhulka miyiga ee dhirjaridu ku badan tahay.

Image caption Qeyb ka mid ah dhirta la doonayo in lagu tallaalo guud ahaan Somaliland

Halka magaalooyinkana xoogga la saaray dugsiyada iyo xaafadaha oo ku tartamaya dhir beerista.

Saakaba madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo mas'uuliyiinta sare ee dawladda ayaa ka qeyb qaatay dhirtan la beerayo.

Dhanka kale inta badan dadweynaha ka qeyb qaatay dhir-beerista maanta ayaa sheegay inay arrintan tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka wanaagsan.

Image caption Hooyo ka mid ah haweenka magaalada Hargeysa oo ka qeybqaadanaysa ololaha tallaalka

Mowduucyada la xiriira