K/Waqooyi oo u xusaysa dhalashada hogaamiyahoodii hore ee Kim Il-sung

Kuuriyada Waqooyi oo u dabaaldegaysa sanad guuradii ka soo wareegatay dhalashadii hogaamiyihii ugu horreeyay Kim Il-sung Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kuuriyada Waqooyi oo u dabaaldegaysa sanad guuradii ka soo wareegatay dhalashadii hogaamiyihii ugu horreeyay Kim Il-sung

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay u dabaaldegaysaa sanad guurada ka soo wareegatay dhalashada hogaamiyahoodii hore ee Kim Il Sung.

Xafladda debaaldegga sanadkan ayaa u muuqato in la qabanayo iyadoon la soo bandhigayn cududda milateri ee waddankaasi.

Debaaldegga maanta oo kale waxaa ku larnaan jiray tijaabo dhanka gantaallada ridada dheer ah taaso oo lagu muujiyo feestada ugu weyn ee Kuuriyada Waqooyi.

Jawiga isbadelay ee ka muuqanaya dalkan ku hubaysan hubka nukliyeerka ayaa imanaya xilli hogaamiyaheeda uu isu diyaarinayo shirka uu dabayaaqada bisha la yeelanayo hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed iyo mid kale oo uu la yaalan doono hogaamiyaha dalka ay colaadda ba'an kala dhaxeyso ee Mareykanka taas oo lagu wado in la qabto bisha May ama bisha xigta ee June.

Sabtidii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa waxa uu shir la yeeshay saraakiil sarsare oo ka socotay waddanka Shiinaha xilli Pyongyang ay taageero kaga raadsanayso dalka sida weyn ay isu xulufaystaan ka hor shirarkaasi soo socda.