Baadari Maraykan ah oo basaasnimo ku eedaysan oo Turkigu maxkamad saarayo

Khariidada Turkiga
Image caption Khariidada Turkiga

Baadari Maraykan ah oo ka soo jeeda gobolka North Carolina ayaa maanta dalka Turkiga maxkamad lagu saarayaa, taas oo la xidhiidha dacwado lagu soo oogay oo ah basaasnimo iyo taakulayn urur aragagixiso ah.

Andrew Bruson, hadii lagu helo dacwadaha lagu soo oogay waxa uu mudan doonaa ugu yaraan labaatan sanadood oo xadhig ah.

Waxa lagu eedeeyey in uu taakuleeyey hawl gal ay wadeen koox uu hogaamiyo Fethullah Gulen, oo ah wadaad Muslin ah oo dalka dibadiisa ku nool, isla markaana ay saraakiisha Turkugu ku eedeeyaan in uu maleegay af-gembigii dhicisoobay sanadkii 2016-kii.

Maxkamadda la horgeynayaa waxay ku taallaa magaalada galbeed ee Aliaga, waxaana jooga oo dhegaysiga dacwada goob joog ka ah Sam Brownback, oo ah ergeyga Maraykanka u qaabilsan xorriyada diimaha.

Mowduucyada la xiriira