Madxafka Soomaalida ee Minnesota oo xarunta taariikhda ee gobolkaasi ku soo bandhigayo hinddaha iyo dhaqanka Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madxafka Soomaalida ee Minnesota oo xarunta taariikhda ee gobolkaasi ku soo bandhigayo hinddaha iyo dhaqanka Soomaalida

Madxafka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota ayaa sanadkan loo doortay in uu ku soo bandhiga taariikhda iyo hidaha Somaalida, xarunta taariikhda ee gobolka Minnesota.

Kharashka tirada badan ee ku baxayo bandhiggan ayaa waxaa bixinaya isla xaruntaasi taariikhda gobalka Minnesota.

Waxyaabaha la soo bandhigi doono waxaa ka mid ah sooyalka taariikhda Soomaalida, agabka iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Arrimahaasi ayaau ka wareysanay Cismaan Maxamed Cali Guray oo ah maamulaha Madxafka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota, waxa uuna u waramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine oo waydiiyay bal waxa sanadkan lagu doortay madxfaka Soomaalida?