Maxaa caadi loogu arkaa in shineemo laga furo Sacuudiga?

Dadka Sacuudiga si u gaar ah ayey filimada u daawadaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka Sacuudiga si u gaar ah ayey filimada u daawadaan

Sacuudiga ayaa furaya shineemadii ugu horraysay muddo 35 sano ah, ayadoo laga dhigi doono filimka Black Panther. Haddaba, mar haddii muddo tobanaan sano ah ay xayiraad saarnayd, waa maxay sababta ay iminka caadi u noqonayso in shineemo la aado?

Go'aanka ay Sacuudi Caraabiya ku gaartay in ay joojiso mamnuucista shineemooyinka ayaa qayb ka ah is beddel weyn oo ijtimaaci ah.

Qarnigii 20aad, ayaa qoyska boqortooyada ee reer Aala Sucuud waxay ku tiirsanaayeen laba il oo xagga awoodda ah: Qaniimadda aan xadka lahayn ee saliidda, iyo heshiis aan rasmi ahayn oo kala dhaxeeyey wadaaddada diinta ee muxaafadka ah.

Laakin dalku waa inuu iminka la qabsadaa qarnigan 21aad oo qaniimadda saliidda oo kaliya aysan ku filnayn in lagu maalgaliyo kharashka dawladda iyo shaqo abuurid, ayadoo culumaduna ay saamayn intii hore ka yar ku leeyihiin qoyska boqortooyada marka loo eego sidii ay ahaan jireen berigii hore

Sida dalalka kale ee bariga dhexe, Sacuudiga waxaa ka buuxa dad dhallinyaro u badan. Badi 32-ka malyan ee qof ee ku nool, waxay da'doodu ka yar tahay 30 sano.

Boqor Salmaan ayaa u dalacsiiyey mid ka mid ah wiilashiisa dhallinyarada ah, 32 jirka la yiraahdo Maxamed Bin Salmaan, inuu noqdo dhaxal sugaha boqortooyada, ayadoo qayb ahaan lala xiriirinayo aqlabiyadda dhallinyarada ah.

Laakin MBS, waa sida loo yaqaanno magaciisee, hawl culus ayaa hor taalla.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Filimka Wadjda ee Sacuudiga wuxuu ku guulaystay abaal marin caalami ah

Wuxuu u baahan yahay inuu dusha kala socdo isbeddelka dalka ee ah inuu ka guuro ku tiirsanaanta dhaqaalaha ku xiran saliidda, oo aysan jiilka dhallinyarada ah u suurtoobi doonin inay u raaxaystaan sidii ay waalidiintood u soo raaxaysteen.

Ma heli doonaan damaanad qaad ah xagga shaqada, waana inay aad u shaqeeyaan si ay u helaan shaqooyinka gaarka loo leeyahay.

Kharashka guryaha ayaa ah arrin soo noqnoqotay oo laga cabanayo, ayadoo daryeelka caafimaadka iyo waxbarashadana laga dhigayo kuwo gaar loo leeyahay.

Qolyaha reer galbeedka ee wax indha-indheeya waxay inta badan ku fekeraan in mar uun uu Sacuudiga goyn doono lacagta kaalmada (cayrta) ah ee uu dadkiisa siiyo, taasina ay keeni doonto in uu yimaado cadaadis lagu dalbanayo xuquuqo dheeraad ah oo siyaasadeed.

Laakin MBS wuxuu u muuqdaa inuu qorshe kale soo bandhigayo.

Xaqiiqda marka loo yimaado wuxuu leeyahay "aad u shaqeeya, ha dhaleeceynina hanaanka, ka dibna baashaala".

Sida Dubai oo ay jaar yihiin, wuxuu ku yaboohayaa ilaa xad xorriyad ijtimaaci ah, halkii uu ku yaboohi lahaa xorriyad siyaasadeed.

Laakinse Sacuudiga miyey doonayaan mujtamac fur-furan?

Haweenka Sacuudiga oo loo ogolaaday in Gawaarida ay Kaxeeyaan

Sucuudiga oo sii daayay dumar gaari kexeeyay

Xagga dumarka marka la eego fur-furnaansho dheeraad ah ayaa laga dareemayaa Sacuudiga. Hore raggooda ama aabayaashood ayaa go'aan uga gaari jiray marka ay rabaan inay wax bartaan, safraan, ama shaqeeyaan.

Haddaba, ayadoo ay xukuumaddu laashay xayiraaddii dumarka ka saarnayd wadidda gawaarida, ayna billowday inay dhiirri galiso riwaayadaha iyo filimada oo muddo xayirnaa, ayey doodi ka taagan tahay xawaaraha uu isbeddelku ku socdo, iyo noocyada dhaqanka ee ay tahay inuu dalku qaato.

Arrintan waxay gaar u tahay marka laga hadlayo xuquuqaha dumarka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wixii ka dambeeya Juun 2018 waxaa dumarka Sacuudiga loo ogolaan doonaa inay gaari kaxeeyaan

Marka ay timaado filimada, tiknoloojiyada ayaa mamnuucista shineemooyinka ka dhigtay wax maalaa yacni ah.

Sahan la sameeyey 2014 ayaa muujiyey in 3 meelood oo laba dadka Sacuudiga ee internetka isticmaala ay todobaad kasta filim ka daawadaan internetka. Tobankii qof ee Sacuudi ah 9 ka mid ah waxay isticmaalaan telefoonnada casriga ah.

Shirkadda dayaaradaha ee dalka, Saudi Airways, aflaam ayey duullimaadyada ku soo bandhigtaa, inkastoo muuqaallada qaar, sida gacmaha banaan iyo dhalooyinka khamriga muuqaalkooda la dhalan rogo.

Shineemooyinka ugu horreeya ee dalka alaga furayo waxaa leh dawladda.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption -

Halkii la iska weydiin lahaa "maxaa iminka keenay?" waxay su'aashu noqon kartaa "maxay wakhti dheer u qaadatay?"

Laakin xayiraaddu ma ahayn mid shaqo ku lahayd fikradaha dadka. Siyaasad ijtimaaci oo muxaafad ah ayaa hore loo sii dhisay si aan looga caraysiin wadaadda saamaynta badan leh.

Gorgortan aan rasmi ahayn oo la galay ayaa keenay in wadaaddadu ay dadka u sheegaan in daacad loo ahaado xukumaha.

Kaalintii siyaasadeed iyo tii bulsho ee wadaaddada ayaa iminka is beddelaysa.

Mowduucyada la xiriira