Wasiir lagu jeesjeesay markii uu yiri 'Hindidu internetka iyagaa abuuray'

Wuxuu tusaale u soo qaatay Mahabharata, laakin lagama rumaysan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wuxuu tusaale u soo qaatay Mahabharata, laakin lagama rumaysan

Wasiir ku dooday in Internetka ay kumanaan sano ka hor soo saareen Hindidii xilligaas noolayd ayaa la kulmay jeesjees.

Biplab Deb, oo wasiir ka ah gobolka waqooyiga bari ee Tripura ayaa hadalka ka jeediyey fiidnimadii Talaadada meel ay dad isugu yimaadeen.

Wuxuu tusaale u soo qaatay gabyaa Hindi ah oo la oran jiray Mahabharata si uu doodiisa qiil ugu yeelo, laakin ma uusan helin cid ka qaadata.

"Tripura CM Biplap Deb" ayaa aad la isula dhex marayaa Twitterka, ayadoo Hunuud bandanna ay ku jeesjeesayaan.

Mr Deb ayaa ku biiraya liis dheer oo ay ku jiraan wasiirrada iminka xilka haya ee ka soo jeeda xisbiga Hinduuga ee BJP, kuwaasoo uu ku jiro ra'iisul wasaare Narendra Modi.

Waxay ku doodayaan guulo waaaweyn oo xilligan laga gaaray sayniska iyo tiknoloojiyada ay yihiin kuwo la ikhtiraacay qarniyaal ka hor.

Sannadkii 2014 ayuu Mr Modi ka sheegay isu imaatin ay ka qayb galeen dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka dhacay Mumbai, in qalliinka isqurxinta uu jiri jiray xilligii Hindidii hore.

Goor dhoweyd ayaa wasiirka tacliinta, Satyapal Singh, wuxuu dadka ka yaabiyey markii uu sheegay in 'dayaarad' markeedii ugu horraysay ee la soo hadal qaado ay ahayd xilligii uu noolaa ninkii afmaalka ahaa ee Ramayana.

Mr Deb wuxuu sheegay in dagaalkii dhex maray Kurukshetra iyo Mahabharata uu muujiyey jiritaanka, kaliya maha internetka, balse tiknoloojiyada settelaaytka ee Hindidii hore.

Wuxuu sheegay in xaqiiqda ah shaqsiyaad uu ka mid yahay Sanjaya oo markaa noolaa uu awood u yeeshay inuu dharbaaxo kala daalo rag ay dagaallamayeen oo masaafo maylal ah ay u dhaxaysay, taasoo muujinaysa, sida uu ku doodayo, in Hindidu ay galaangal u lahaayeen tiknolojiyadaas xilli hore.

Laakin arrintaas su'aal ayey dhalisay, taasoo ka timid barafasoorrada dhiga taariikhda koofurta Aasiya.

Qaar kale ayaa iyaguna walaac qaba

Mowduucyada la xiriira