Dowladda Ciraaq oo sheegtay in ay dileen 36 ka tirsan Daacish

.

Milatariga dowladda ciraaq ayaa sheegaya in weerar dhanka cirka ah oo ay toddobaadkii hore ku qaadeen Suuriya ay ku dileen soddon iyo lix katirsan dagaallamayaasha dawladda islaamiga.

Bartilmaameedyada weerarkan oo dhacay 19 bishaan April ayaa waxaa kamid ahaa warshad ururka Daacish ay qaraxyada ku farsamayn jireen.

  1. Ciraaq oo qabsatay buundada labaad ee Mosul
  2. Daacish oo ku duushay magaalada Rabta, Ciraaq
  3. Ciidamada Ciraaq oo billaabay duulaanka Tal Cafar

Duqaymahan ayaa waxaa iska kaashaday dawladda Suuriya iyo isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka hortagga daacish.

Hawgalladan loogu gudbay xuduudda Suuriya ee Iraaq ay fulisay ayaa ah mid dhif ah, balse militarIga Ciraaq ayaa ugu yaraan duqaymo kan lamid ah ku qaadday Daacish ay sanadkii hore.

Mowduucyada la xiriira