Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada ka soconaya waddanka Koonfur Afrika?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada ka soconaya waddanka Koonfur Afrika?

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu isaga laabtay shirka dalalka Barwaaqa sooranka uga soconaya magaalada London, si uu ula taacalo wax ka qabashada dibadbaxyo dalkiisa ka dhacayay.

Booliska ayaa rasaasta cinjirka ah waxa ay Jimcihii ku kala kaxeeyeen dad badan oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxa, waxyar un ka hor inta uusan madaxweynuhu gaarin gobolka ay dhibaatada ka taagan tahay ee Waqooyi Galbeed.

Iskudhacyada ayaa ka dhacay aagga ay dibadbaxayaashu ku dalbanayeen in la siiyo shaqooyin, guryo iyo weliba in musuq maasuqa la soo afjaro.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno arrintan ayaa waxaannu la xiriirnay Caamir Sheekh Xuseen oo ah aqoonyahan deggan Koonfur Afrika waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay, waxa keenay in Cyril Ramaphosa si degdeg ah dalka uu dib ugu laabto?