Dagaal ooge 'Jungle Jabbah' oo lagu xukumay 30 sano oo xarig ah

Dagaal ooge 'Jungle Jabbah' oo lagu xukumay 30 sano oo xarig ah Lahaanshaha sawirka CHASE WALKER/CIVITAS MAXIMA
Image caption Dagaal ooge 'Jungle Jabbah' oo lagu xukumay 30 sano oo xarig ah

Dagaal ooge u dhashay dalka Liberia oo lagu magacaabo "Jungle Jabbah" ayaa gudaha Mareykanka waxaa loogu xukumay 30 sano oo xarig ah, kaddib markii uu ka been sheegay dowrkii uu ku lahaa dagaalkii sokeeye ee dalkiisa ka dhacay.

Mohammed Jabbateh, ayaa lagu helay dambiga ah inuu sameeyay wax isdabamarin dhanka sodcaalka ah kaddib markii uu mas'uuliyiinta Mareykanka u sheegay been ah inuu 1990-meeyadii uusan ka mid noqon kooxaha hubaysnaa ee Liberia.

Qof marqaati ah ayaa maxkamadda u sheegay sida uu u amray in loo karkariyo wadnaha qof la soo qabtay si loogu kariyo dagaalyahannadiisa.

Ku dhawaad 250,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaalkii sokeeye ee Liberia ka socday mudada 14-ka sano ah.

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa waxa ay soo dhaweysay xukunka ninkaasi lagu riday, waxa ayna ku tilmaantay in "kiiskaasi uu cadaalad siinayo dadkii ku waxyeeloobay dagaalkii sokeeye ee Liberia", walow ninkaasi aanan loo xukumin tacayadii lagu eedeeyay in isaga iyo ciidankiisa ay gaysteen.

Mowduucyada la xiriira