Nin isa soo qaawiyay oo dad ku laayay Mareykanka

Toogashada ayaa ka dhacday duleedka magaalada Nashville Lahaanshaha sawirka NASHVILLE POLICE DEPARTMENT
Image caption Toogashada ayaa ka dhacday duleedka magaalada Nashville

Booliska Gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka ayaa sheegay nin isa soo qaawiyey inuu afar qof ku dilay mukhaayad ku taalla magaalada Nashville.

Ninkani wuxuu maqaaxida Waffle House soo galay 03:25 wuxuuna rasaas oodda kaga qaaday dadkii meesha ku jiray.

Laba qof oo kale ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ah uu ninkani qoriga la qabsaday kaddibna halkaa dhaawa ka soo gaadhay.

Booliska ayaa ku raad joogo soo qabashada ninkaasi oo lagu magacaabo Travis Reinking, oo 29 jir oo ka soo jeeda Illinois.

Afhayeenka Booliska Nashville Don Aaron ayaa wuxuu sheegay in sanadki hore ninkaasi la xidhay kaddib marki uu galay goob mamnuuc ah oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka.

James Shower Jr, oo ah ninka dad badan badbaadiyey oo qoriga la qabsaday dilaaga oo warbahinta Mareykanka u warramay ayaa sheegay inuusan geesi iisu arag, balse uu iisu arko inuu yahay nin naf jecel.

Weerarka Siduu ku billowday?

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu dadka laayay ayaa ku yimid gaari dul bannaan ah wuxuun toogtay laba qof oo dibadda makhaaxida ku sugneyd.

Seddex qof ayaa waxay ku dhinteen isla gooobta uu weerarka ka dhacay halka kan afaraadna uu ku dhintay Isbitaalka.

Booliskuna wuxuu sheegay inuu ninku qaawanaa marka laga reebo jaakeed cagaar ah oo uu qabay.

Booliska waxay soo bandhigeen sawir ninkan looga qaaday maqaaxida, qoriga uu toogasha u adeegsadeyna uu yahay AR-15, oo ah mid ay isticmaalaan inta badan dadka Mareykanka wax ku toogto.

Isla qorigan oo kale ayaa toogasha ka dhacday Las Vegas Bishi October loo adeegsaday, waxaana lagu dilay 58 qof. Waxaa isla qorigan loo adeegsaday weerar kale oo bishii Febraayo ka dhacay Florida oo 17 arday lagu dilay.

Toogashada Florida waxay sababtay in mudaharaadyo ballaadhan oo iskuullada dalka oo dhan ka qayb qaateen ay dhacaan, oo ay ku dalbanayaan in sharci adag laga soo saaro isticmaalka hubka.

Ninka qoriga la qabsaday

Lahaanshaha sawirka Ronald Grant
Image caption Booliska oo baaritaan ka wada goobta ay toogashada ka dhacday

Shir jaraa'id oo Axaddi la qabtay, ayuu Mr Shaw ka sheegay inuu maqlay rasaas dhaceyso, shanqadha burburka muraayadaha iyo dadka cararayo si ay naftooda u badbaadiyaan.

Wuxuuna isku qariyey musqusha maqaaxida balse rasaas uu ninka wax tooganayey ku soo riday albabaaka uu ku gabbanayey ayaa sababtay inuu gacanta dhaawac ka soo gaadhay.

"Waa mar aan maskaxdeyda dib ula tashtay, sababta oo ah inuu albaabka ii sii xirnaado suuragal ma ahayn haddii aan soo baxana waxaa dhici lahayd inuu ninkaasi i dilo", ayuu yiri Mr Shaw.

Marka uu rasaasta joojiyey oo uu qorigiisa eegayo ayuu Shaw ku soo booday ninka oo ay fooda is dareen.

Albaabka ayaan ku dhuftay markaasuu qoriga ka dhacay anna aan ka sii tuuray, waxaanna ku qasbay ninki inuu isaga baxo maqaaxida.

Mowduucyada la xiriira